4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 3 , 2021
Ciidanka amniga Puntland oo sheegay in ay dileen 15 katirsan ururka Daacish
 

Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Ciidanka nabad sugida puntland ee PSF ayaa sheegay howlgal ay ka sameeyeen buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari in ay ku dileen 15 katirsan ururka Daacish ayna qabteen gaari waxyaabaha qarxa lagasoo buuxiyay.

Sida uu HOL, u sheegay sarkaal ciidan, howlgalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamadu xog ku heleen goobo ay isku arursanayeen Daacish ayna ku abaabulayeen weerar qorshaysan oo ka dhan ah Puntland.

Ciidamadu waxay sheegteen in uu dhankooda kasoo gaaray howlgalkaas khasaare dhaawacyo ah. Waxay sidoo kale sheegeen inay ku qabteen maxaabiis ay soo bandhigidoonaan.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii xabsiga Bosaso, ciidanka amniga Puntland ayaa howlgallo ka waday gobolka Bari.

Dad badan ayaa sidoo kale loo xiray in ay ku lug leeyihiin weerarkii xabsiga magaalada Bosaso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online