4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 3 , 2021
Madaxweyne Farmaajo oo furay shir hordhac u ah shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka
 

Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay shir hordhac u ah shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka.

Shirkan maanta furmay ayaa waxaa goob joog ka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish.

Shirkan ayaa lagu dhammeystirayaa wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo.

Beesha caalamka ayaa soo dhoweyday qabsoomida shirkaan, waxayna hoggaamiyaayasha  Soomaaliya ku boorriyeen in ay aragti isku mid ah ka yeeshaan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan doorashada.

Waa markii ugu horreeyay oo ay shir ka fool ka fool ah iskugu hor yimaadaan dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxda dowladda federalka tan iyo wixii ka dameeyay shirkii Dhuuso mareeb 4.

Qabsoomida shirkaan ayaa ku yimid waan waan ay garwadeen ka ahayd beesha caalamka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online