4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 29, 2021
Guddoomiyaha degmada Baraawe oo ka badaaday isku-day lagu qaarajin lahaa


Guddoomiyaha Degmada Baraawe, mudane Cumar Sheekh Cabdi


Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu rasaaseey guddoomiyaha degmadaasi Cumar Sheekh Cabdi.

Rasaasta lagu furay gaariga uu saarnaa guddoomiyaha degmada Baraawe ayaa timid markii la sheegay in ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iney u diideen guddoomiyaha inuu ka gudbo koontaroolka laga galo xarunta uu ku shaqeeyo guddoomiyaha xili uu ku wajahnaa xafiiskiisa shaqada.

Rasaasta lagu furay gaariga uu la socday guddoomiye Cumar Sheekh Cabdi ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa halka mid kalana uu ku dhaawacmay waxaana sidoo kale ku dhintay rasaastaasi wiil yar oo shacab ah oo ku sugnaa goobta ay rasaastu ka dhacaysay.

Guddoomiye Cumar Sheekh oo la hadlay Shabakadda HOL ayaa sheegay in dhacdada lagu weeraray uu arka mid la rabay in isaga lagu qaarajiyo.

"Waxaa leeyga hor-istaagay JEG-POINT aan u maro xafiiskeyga leeyguna amray in ka laabto. Markii aan amarkii qaatay oo aan ka laabtay ayeey rasaas igu bilaabatay. Ilaaheey ayaa iga badbaadiyey, laakin waxaa halkaas ku geeriyooday mid ka mid ah ilaaladeydii" ayuu yiri Guddoomiye Cumar Sheekh Cabdi

Waxaa la yaab leh ayuu yiri Guddoomiye Cumar in taliyihii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee degmada Baraawe iyo ku-xigeenkiisii ay goobjoog ka ahaayeen goobta leeygu dili lahaa.

"Maamulka Koofur Galbeed iyo madaxda Dowlada Fedaraalka waxaan ka codsanaya iney dhacdadii maanta baaritaan ku sameyaan oo aay cadaalada horkeenaan shaqsiyaadkii ka dambeyay in si bareer ah rasaas loogu furu madaxda magaalada Baraawe. " ayuu yiri guddoomiye Cumar Sheekh Cabdi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]