4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 29, 2021
UK oo fariin u dirtay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Dowlad Gobolleedyada

 

Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) -Dowladda UK ayaa ku baaqday in muhiim tahay qabashada doorasho ku dhisan heshiis iyo wadar ogol iyadoo loo daneynayo ammaanka, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya

War ka soo baxay safaaradda Uk ee  Muqdisho ayaa sidoo kale ku amaantay amaantay go’aanka ay qaateen Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ee ay ku diideen muddo kororsiga hay’adaha dowladda.

“Waxaan iminka ugu baaqeynaa madaxweynaha iyo hoggaamiyayaasha dowlad goboleedyada inay deg deg u wada-hadlaan ayada oo aan shuruudo lagu xirin. Waa inay yimaadaan ayaga oo diyaar u ah inay sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka ah, kuna wada xaajoodaan niyad wanaag,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda UK ee Muqdisho.

UK ayaa intaas ku dartay inay aad uga walaacsan tahay in haddii lagu guul-darreysto in deg deg loogu dhaqaaqo doorashooyin, ay taasi hoggaamin karto amni la’aan weyn oo ka dhacda Muqdisho iyo meelo kale, taasi oo yeelan kartaa cawaaqib xun oo bani’aadannimo.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan ciidamada amniga ee caasimadda inay ka reebtoonaadaan rabshadaha ayna joogteen xasilloonida. Waa muhiim in ciidamada amniga ay dadaalladooda saaraan ka hor-tagga cadowga guud ee al-Shabaab ayna xaqiijiyaan inaysan ka faa’iideysan hubanti la’aantan siyaasadeed,” ayey tiri UK.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]