4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 28, 2021
Booliiska Somaliland oo ka hadlay xadhiga musharixiinta mucaaradka
 

Arbaco, April, 28, 2021 (HOL) - Ciidamada booliiska Somaliland, ayaa sheegay in ay musharixiinta xidhan iyo qaar kale oo ay kudaba jiraanba ay ku hayaan faldanbiyeedyo ah in ay samaysteen shahaadooyin foojari ah.

Warbixin lagu dabacay boga Facebook ee ciidanka booliiska, ayaa lagu sheegay in musharixiinta xidhan iyo kuwo kale oo ay kuba jiraanba ay samaysteen shahaadooyiin been abuur ah si ay isku sharaxan.

Booliiska ayaa sheegay in ay caddaymo kufilan u hayaan in musharixiintaasi ay ku kaceen danbi foojari ah.

Warbixinta booliiska ayaa lagu yidhi “baadhis dheer kadib waxay ay boolisku xeer ilaalinta iyo maxkamadaha dalka horgeeyeen caddaymo ku filan  danbiyadaasi”.

Booliiska ayaa sheegay in ay sifo sharci ah ku soo qabteen musharax Qaasim Aadan Saleebaan oo xisbiga Waddani ka sharaxan, isla markaana ay waaran qabasho u hayaan laba musharax oo kale.

Booliiska Somaliland, ayaa maalmihii lasoo dhaafay xabsiga dhigay musharixiin katirsan xisbiyada mucaaradka taasi oo ay xisbiyada mucaaradku ka biyo diideen.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan online
[email protected]