4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 28, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay afaafka hore ee xarunta ciidanka Asluubta
 

Arbaco, April 28, 2021 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay xaafado badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho kaasoo saakay waabarigii hore ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee ku taala Ex Koontarool Afgooye.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegaaday gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Askar iyo dad shacab ah oo goobta marayay.

Inta la xaqiijiyay ilaa sadax ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay qaraxa waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya ilaa 8 ruux oo isugu jira Askar iyo shacab, waxaana dadkii ku dhaawacmay qaraxa la geeyay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho.

Xaalada goobtii uu qaraxa ka dhacay aroornimadii hore ee saakay aya haatan ah mid degan waxaana burbur xoog leh uu soo gaaray xarunta ciidanka Asluubta ee ku taala agagaarka Ex Koontarool Afgooye.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]