4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 21, 2021
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika
 

Arbaco, April, 21, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw lagu dilay allaha u naxariistee muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada wadankaasi Koofur Afrika.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee lagu dilay dalkaasi ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi loona yaqiinay Farmaajo, waxaana lagu dilay tuulada Khayelitsha oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalkaasi Koofur Afrika.

Marxuumka ayaa la sheegay in lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi xili uu ku guda jiray caawinta macaamiishiisa, waxaana wararku aay intaasi ku darayaan in ninkii dilay muwaadinka Soomaaliyeed isna lagu dilay isla goobta.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa inta badan la kulma dhibaatooyin badan oo loogu geysto dalkaasi sida dilalka iyo dhaca loo geysto goobahooda ganacsi, iayadoo dowlada dalkaasina aay marwalba sheegto iney wax ka qabaneyso dhibaatada lagu haayo ganacsatada Soomaaliyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]