4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 21, 2021
IGAD oo soo dhoweeysay in dib loo bilaabo wada hadalka Saamileyda siyaasadda Soomaaliya
 

Arbaco, April, 21, 2021 (HOL) - Urur goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyay hindisaha la soo jeediyey ee ah in dib loo furo wadahadalka ka dhexeeya saamilayda siyaasada Soomaaliya, si loo xaliyo ismari waaga.

Qoraal ay soo saartay IGAD waxay ku sheegtay in Wadahadalku uu yahay  geedi socod muhiim ah oo dhaliya  kalsooni iyo dhammaystirka dhammaan arrimaha hortaagan doorashada.

IGAD waxay ku dhiiri galisay dhamaan daneeyayaasha inay fursad siiyaan hindisaha cusub, ayna dib u galaan wada hadal furan oo wax ku ool ah iyadoo la fiirinayo danta ugu jirta dadka Soomaaliyeed.

IGAD waxay kaloo si aad ah ugu boorisay dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan talaabo kasta oo sii xoojinaysa xiisadaha ama isku dhac keeni kara.

Waxay ugu baaqday dhammaan daneeyayaasha inay mudnaanta siiyaan wadahadalka himiladooda siyaasadeed.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online