4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 21, 2021
Madaafiic lagu garaacay meelo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya
 

Arbaco, April, 21, 2021 (HOL) - Wararka haatan naga soo gaaraya degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in tiro Hoobiyeyaal ah kusoo dhaceen.

Wararka hordhaca ah ee laga helaayo deegaanadaasi ayaa sheegaya in Hoobiye ka mid ah Hoobiyaasha degmooyinkaasi kusoo dhacay uu ku dhacay guri aay dad shacab ah dagan yihiin, islamar ahaantaana uu jiro khasaaro ka dhashay Hoobiyaha ku dhacay guriga.

Waxaa sidoo kale wararku intaasi ku darayaan in Hoobiyaasha qaar kood aay ku dhaceen meel u dhaw Madaxtooyada soomaaliya iyo godka Jilacow.

Isha ku haay wararkan waxii kusoo kordha Insha allah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]