4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 21, 2021
Golaha Amaanka Qarramada Midoobey oo ku baaqay in dib loogu laabto wadahadalladii Afisiyooni

 

Arbaco, April, 21, 2021 (HOL) - Golaha Amaanka ee Qarramada Midoobey ayaa kulan ay albaabada u xirran u xiran yihiin uga doodday xaalada siyaasadda Soomaaliya, iyaga oo ugu baaqay dhinacyada Soomaalida in ay dib ugu laabtaan wadahadalladii Afisiyooni.

Kulanka ayuu Golluhu warbixin la xiriirta xaalada siyaasadeed ee dalka uga dhigeystay wakiilka gaar ah ee QM James Swan, gaar ahaa ismari-waagii wadahadallada doorashada ee ugu danbeyntii sababtay in Baarlamaanka Soomaaliya muddo labo sano ah ugu darro dowladda hadda jirta.

Wakiilada wadamada xubnaha ka Golaha oo qaarkood qoraal soo saaray ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in dib loogu laabtay wadahadalladii teendhada Afisiyooni oo ay garwadeen ka ahaayeen beesha caalamka.

"Dariiqa kaliya ee u furan Soomaalida waa in dib loo billaabo wadahadalladii doorashada ee ku saleysanaa heshiiskii 17 September" ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxaay ergada Norway ee Golaha Ammaanka.

Waxaa sidoo kale aragtiyo taa la mid ah soo jeediyay wakiilada Golaha Amaanka ee wadamada Irealand  iyo India kuwaa oo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in mar kale wada hadal leysugu yimaado.

Baaqa Golaha Amaanka ayaa imanaya xili dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya meel mariyay qorshe loogu magac-darray jiheynta doorashada oo qaadanaya muddo labo sano ah, waxaana siweyn arinkaa uga soo horjeestay oo diiday qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada, madaxweynayaashii hore , midowga musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]