4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 20, 2021
Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baledweyne oo maanta xiran
 

Talaado, April, 20, 2021 (HOL) - Waxaa maanta gabi ahaanba xiran howlahii duulimaadyada diyaaradaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib Roobaab xoogaan oo habeenkii xalay ahaa ka da'ay magaalada Baledweyne iyo nawaaxigeeda.

Roobabka xalay ka da'ay Baledweyne ayaa sababay iney biyo farabadan dhex fariistaan dhabaha loogu talo galay iney ku cararto diyaarada marka aay soo dageyso iyo marka aay kaceysaba.

Rakaabkii maanta u kala duuli lahaa magaalooyinka Baledweyne iyo Muqdisho ayaa safaradooda ka baaqday kadib markii saakay lagu wargeliyay ineysan jirin duulimaadyadii garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

Sanad walba marka la gaaro xiliyada roobabka ee Gu'ga iyo Deyrtaba waxaa xirma guud ahaan duulimaadka garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne sababo la xariira garoonka oo aay biyaha roobabka dhex fariisayaan.

Madaxda maamulka gobolka Hiiraan, Hirshabeelle iyo kuwa dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa horay dhowr jeer u balan qaaday iney dhisayaan garoonka baledweyne, balse wali may suurtagalin fulinta balan qaadyadaasi, waxaasi xusid mudan in madaxda Soomaalida intooda badan balan qaadkoodu uusan dhaafsiisnen afka.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne waxa uu ka mid yahay garoomada ugu shaqada badan dhanka duulimaadyada marka laga soo tago garoomada Aadan Cadde iyo Cigaal ee magaaloyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]