4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 20, 2021
Wasaarradda Arrimaha Dibadda'' Waxba iskama badallin go'aankii Baarlamaanka ee jiheynta doorashooyinka

 

Talaado, April, 20, 2021 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in albaabka wadahadalku furan yahay, laakiin dhinaca kale waxba iska badalin go'aankii uu dhawaan Baarlamaanku qaatay ee jiheynta doorashada muddo labo sano ah gudahood.

Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in waxba iska badalin sida uu hadalka u dhigay go'aankii Baarlamaanka uu dhawaan qaatay, kaddib booqashadii madaxweyne Farmaajo ee magaalada Kinshaasa.

"Waxba iskama aanay badelin go'aankii baarlamaanka uu qaatay, taas waa howl baarlamaanka u taal," ayuu yiri wasiir Maxamed oo intaas ku daray: "Doorashadu noocwalba oo ay ahaato, mid toos ah, mid dadban, doorasho marwalba waa inay noqotaa mid nabad ah, mid loo dhan yahay, mid waadax ah loo wada jeedo, si natiijada ka soo baxdaa ay u ahaato mid dadka oo dhan ay ku qanci karaan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ka soo baxay lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo aqbalay in door dhaxdhaxaadin ah midowga Africa uu ka qaato sidii leysugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa siweyn uga soo horjeestay go'aankii uu dhawaan qaatay Baarlamaanka Federaalka ee muddo kordhinta labada sano ah loogu sameeyay dowladda hadda jirta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]