4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 20, 2021
Guddoomiye ku xigeenkii degmada Deyniile oo Muqdisho lagu dilay
 

Talaado, April, 20, 2021 (HOL) - Gudoomiye ku xigeenkii siyaasadda degmada Dayniile Cabdi Maxamad Maxamuud ayaa lagu dilay Qarax waddada dhinaceeda loo dhigay oo lagu bartilmaameedsaday gaari uu la socday oo marayay waddada Daarusalaam.

Xoghayaha degmada Deyniile degmada Mahad Sharaawe, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida guddoomiye ku xigeenka Deyniile, isagoo sidoo kale sheegay in ay inay jiraan dhawaacyo soo gaaray ilaallada gudoomiye kuxigeenka.

Miinooyinka waddooyinka hareerahooda la galiyo ee lala beegsado masuuliyiinta dawladda, ayaa Muqdisho kusoo badanaya bilihii ugu dambeeyay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilka guddoomiye ku xigeenka, balse Alshabab ayaa Muqdisho ka fuliya weerarada nuucaan oo kale ah.

Dilka guddoomiye ku xigeenka ayaa kusoo aadaya xilli habeeno ka hor magaalada Muqdisho lagu dilay guddoomiyihii degmada Xamar Jajab.
 
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online