4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 20, 2021
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay shil tareen oo ka dhacay dalka Masar

 

Talaado, April, 20, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa Masar  uga tacsiyeysay dadkii ku dhintay shilkii tareenka ee shalay ka dhacay Gobalka al-Qalyuubiya ee waqoogiya dalkaas.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya la qeybsaneyso murugada dowladda Masar sidoo kalena ay garab taagan tahay walaalaha Masaarida.

''Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo Dadka aanu walaalaha nahay ee Masar kadib shil tareen oo dhimasho iyo dhaawac sababay, iyadoo tareenku ka baxay dhabbihiisa meel ku dhow boosteejada Toukh ee gobolka Al Qalyubia ee waqooyiga Magaalada Cairo, shalay gelinkii dambe oo Axad ahayd.

Qoraalka ayaa lagu gabagabeeyay in Ilaah u naxariisto dadkii geeriyooday, caafimaadna siiyo dadkii ku dhaawacmay shilka. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo dadka aan walaalaha nahay ee Masar”

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]