4/16/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 2 , 2021
Mareykanka oo muddo sanad ah ku kordhiyay cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Soomaaliya


 

Jimco, April, 02, 2021 (HOL) -  Madaxweynaha dowladda Mareykanka Joe Biden  ayaa muddo hal sano ah ku kordhiyay cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Soomaaliya.

Cunaqabateynta ayaa soo soctay tan iyo laga soo bilaabo tan iyo markii uu dalkaasi madaxweynaha ka noqday Barack Obama, waxaana lagu waramayaa in madaxweyne Biden uu saxiixay warqadda kordhinta Cunaqabateynta Dhaqaalaha Soomaaliya ee loo cuksaday arrimaha dhanka amniga.

“Iyada oo la tixgalinayo xaalada nabad-galyo ee dalka Soomaaliya iyo Siyaasadda waxa ay ku socdaan meel khatar ah, Siyaasadda qaran ee Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu qiimeyay xaaladda aan caadi ahayn”  ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Aqalka Cad.

Madaxweynaya ayaa qoraalkan ku sheegay in uu xeerinayo  amarka Tirsigiisu yahay 13556 taas oo ka dhigan in uu sii soconayo 12-ka Bilood soo socota oo waxaa qiimeyn lagu sameynayaa sanad kadib sida ay sheegtay Warbaahinta Mareykanka oo si qoto dheer u gashay nuxurka cunaqatabeyntaas.

Dowladda Soomaaliya wax jawaab ah kama aysan bixin wali warkan ka soo yeeray madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Joe Biden  ee muddada sanadkan ah ku kordhiyay cunaqabateynta dhaqaale ee Soomaaliya saaran.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   













Click here
4/2/2021 4:01 PM EST
Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar ayaa markii ugu horraysay ka hadlay wararka ku saabsan in dowladda federalka ay xanibtay diyaarad ka degi lahayd deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug.

4/2/2021 3:39 PM EST
Jimco, April, 02, 2021 (HOL) -Bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa aad u hadal haya dhimashada dadka waaweyn oo maalmihii u danbeeyay isa soo tareeysay, taasoo loo aaneeynayo in uu sabab u yahay cudurka dilaaga ah ee Covid19.

4/2/2021 10:14 AM EST
Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka dowlad deegaanka Soomalida Mustafe Cagjar ayaa ugu baaqay madaxda maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle iney ka qeyb qaataan ilaalinta xaduudaha aay wadagaan oo uu sheegay in habac sanaan ka jirto.

4/2/2021 9:25 AM EST
Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Inta la xaqiijiyay ilaa 36 ruux ayaa ku dhimatay tiro intaas ka badana waay ku dhaawacmeen shilkan Tareen ee ka dhacay Taiwan sida aay ku waramayaan Warbaahinta dalkaasi.

4/2/2021 8:09 AM EST
Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in dib loo furay qaadashada Baasaboorka Soomaaliga oo horay loo joojiyay sababo la xariiray cudurka COVID-19.

4/2/2021 5:20 AM EST
Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Puntland ayaa shaacisay in ay ka qeyb galayso shirka madaxda dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah, kaasoo la shaaciyay inuu dhacayo maalinta berrito ah oo ku beegan saddexda Abril.

4/2/2021 2:14 AM EST
Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - 805 askari oo ka mid ah ciidanka booliska ee degaanka Soomaalida ayaa ka qalin jabiyay kulliyadda tababarada booliska ee degaanka.

4/2/2021 1:21 AM EST
Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Kaddib dadaallo maalmiihii ugu danbeeyayba ay waddeen wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu guuleystay in maalinta berri ah kulan hor dhac ka yeeshaan mashkaladaha ku xeeran doorashada madaxda DF, dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.