6/19/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 19, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhiggiisa dalka Congo


 

Isniin, April, 19, 2021 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku joogo Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, ayaa la kulmay dhiggiisa Dalkaas Mudane Felix Tshisekedi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga  Koongo guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

“Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa horyaalla caqabado adag oo isku mid ah oo ay tahay in aan iska kaashanno  si aan u xaqiijino horumarka labadeenna shacab.  Caqabadahaas waxaa ka mid ah xagjirnimada, saboolnimada, shaqo la'aanta dhallinyarada iyo argagixisada caadeystay carqaladeynta horu-socodka dalalkeenna"

Dhankiisa, Madaxweynaha  Koongo Mudane Felix Tshisekedi oo ah Madaxweynaha Midowga Afrika ayaa Madaxweyne Farmaajo uga mahad celiyey aqbalaadda casuumadda ay u fidiyeen, isaga oo bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen.

Labada Madaxweyne oo kulankoodu ka dhacay Aagga Midowga Afrika ee Caasimadda Kinshaasa ayaa si wadajir ah isu la xoojiyey muhiimadda ay labada Dal u leedahay in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo ku dhisan ka wada shaqaynta danaha Labada Qaran iyo sida ay lagama maarmaanka  u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo Shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen Isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso Madaxweyne Tshiskedi doorkiisa hoggaaminta  Midowga Afrika. 

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, Diblumaasiyiin iyo Lataliyeyaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   












Click here
4/19/2021 5:41 PM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isagoo ku sugan magaalada Kinshasa ee caasimadda Jamhuuriyada Dimoqaradiga ee Koongo sheegay Midowga Afrika inuu kaalin hoggaamineed ka qaadanayo fududeynta geeddi-socodka doorashooyinka Dalka.

4/19/2021 10:42 AM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa wasaarada caafimaadka Somaliland ku wareejisay qalab shaybaadh oo ka kooban 8500 oo ah qalabka lagu baadho Covid-19 (Covid test) iyo 5 labtob.

4/19/2021 9:16 AM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, ayaa gacanta ku soo dhigay dagalamayaal katirsan Alshabaab ah kadib markii ay hawl-gal si wada-jir ah uga sameeyeen deeganada Gololey iyo Ceel-gelow oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe.

4/19/2021 6:31 AM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta cafis Guud u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada degaanada Puntland.

4/19/2021 5:14 AM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Ciidamo Nigeria ah oo qeyb ka noqonaya howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

4/19/2021 1:38 AM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee UCID, ayaa sheegay in tan iyo markii uu xisbiga Kulmiye talada qabtay, anay Somaliland samayn horumarkii laga filayay.

4/19/2021 1:28 AM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Taliyihii hore ee hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil, kaddib markii xalay ciidamada dowladdu weerar ku qaadeen gaadiid uu la socday oo marayay aaga Marinaaya ee Magaalada Muqdisho