
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Ciidamo Nigeria ah oo qeyb ka noqonaya howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.
newsinsideCiidamada oo u badan saraakiil tiradoodana gaareyso 144 xubnood ayaa la sheegay in ay dalka sii joogi doonaan muddo hal sano ah, iyaga oo taageero siin doona ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.
Isuduwaha Howgalka Booliska AMISOM, Kuxigeenka Taliyaha Booliska (DCP), Daniel Ali ayaa sheegay in 30 askari qeyb ka ah ciidamadan cusub ee soo gaaray magaalada la geyn doono magaalada Beledweyne ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Horay waxaa dalka u sii joogay ciidamo fara badan oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kuwaa oo dowladda Soomaaliya gacan ka siinaya dagaalka ka dhanka Al-shabaab.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]