Axad, April. 18. 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Turkiga u jooga Soomaaliya Mehmet Yilmaz.
newsinsidekulanka guddoomiye Cumar Finish iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa looga hadlay arrimo aay ka mid ahayeen sidii loo xoojinta lahaa Mashaariicda kala duwan ee lagu hormarinaayo bilicda Caasimada dalka Soomaaliya gaar ahaana dib u dhiska wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay adkeynta xiriirka ka dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Safiirka dalka Turkiga ayaa sidoo kale u balan qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir iney sii wadi doonaan Mashaariicda Horumarineed ee dalka Turkiga uu ka wado magaalada Muqdisho.
Gabagabadii guddoomiye Cumar Finish ayaa uga mahadceliyay Safiirka Turkiga taageerada horumarineed oo aay dalkiisa la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]