4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 18, 2021
Sarkaal sare oo Qarax miino lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Axad, April, 18, 2021 (HOL) - Sida lagu daabacay wakaalada wararka ee Anadolu sarkaal sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya iyo askari ilaalo u ahaa lagu dilay qarax miino deeganka Golaley oo hoostaga degmada Balacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe Sabtidii shalay

Sarkaalka dhintay oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin Cabdi Tooxow ayaa isaga iyo ilaaladii la soctay lala eegtay miino la dhigay wadada dhinaceeda taasoo keentay in geeriyoodo.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe ayaa xaqiijiyay geerida sarkaalkan isaga oo tacsi u diray ehelada marxuumka.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay dilka sarkaalkan, balse qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe waxaa marar badan oo hore weerarro noocan oo kale ka geystay xoogagga Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]