5/14/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 17, 2021
Axmed Madoobe '' Farmaajo dalka god ayuu ku riday


 

Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo magaalada Kismaayo kula hadlayay bulshada rayidka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo sida uu hadalka u dhigay in uu dalka god ku riday.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in sharci darro aheyd go'aankii uu dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya mudada ugu kordhiyay hay'adda dowladda oo muddo xileedkoodu dhamaaday, isaga oo intaa ku darray in bulshada looga baahan yahay u midoobaan badbaadinta dalka.

Wuxuu sheegay in marnaba Baarlamaanka Soomaaliya uusan awood u laheyn in baabi'iyo ama laalo heshiiskii doorashada ee 17kii September ee doorashada. 

''Haddii aan leyska qaban madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo wadanku meel kale ayuu tagayaa, waxaana tuusaale idinku filan marxalada maanta ay ku jirto Muqdisho oo dadku cabsi dareemayaan'' ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in uu madaxweynuhu ku fashilmay in uu qabto doorasho  xor iyo xalaal ah, islamarkaana kaliya ay u muuqdo kuriga uu ku fadhiyo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   


















Click here
4/17/2021 9:47 AM EST
Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xilka la wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda.

4/17/2021 7:44 AM EST
Sabti, April, 17, 2021 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Teendhada Afisyooni shir kula leh Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

4/17/2021 7:43 AM EST
Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada Booliiska iyo Hay'adaha amniga Jubbaland.

4/17/2021 6:16 AM EST
Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku Ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa maanta hortagay Golaha Wakiilada ee Puntland.

4/17/2021 3:10 AM EST
Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo odayaal dhaqameed shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu weerar ku hayay sida ay hadalka u dhigeen beel gaar ah.

4/17/2021 2:21 AM EST
Sabti, April, 17, 2021 (HOL) -Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan xalay la qaatay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen Odawaa Yuusuf Raagge.

4/17/2021 1:00 AM EST
Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey ayaa sheegay dowladdu in aysan wax dan ah ka lahayn in ay tallaabo ka qaado taliyihii hore ee ciiddanka booliiska gobolka Banaadir, Saadaq Joon.