4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 17, 2021
Xildhibaanno ku eedeeyay Farmaajo in uu weerar ku yahay beel gaar ah

 

Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo odayaal dhaqameed shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu weerar ku hayay sida ay hadalka u dhigeen beel gaar ah.

Xildhibaannada ayaa sheegay in dowladdu weerar ku tahay taliyihii hore ee Booliiska gobolka Banaadir Saadiq Jon oo dhawaan dowladda Soomaaliya xil ka qaadis ku sameysay.

Xildhibaan Mahad Salaad  ayaa sheegay in Farmaajo yahay qof qabyaaladu ku weyn tahay kaddib markii uu soo dhaweeyay siweynna u maamuusay Cabdirashiid Janan oo ah ayuu sheegay dambiile dagaal oo caalamka laga doonayo balse ay isku beel yihiin, halka uu weerar ku yahay Jeneral Saadaq oo lasoo shaqeynayey afar sano.

Eedeymahan ayaa imanaya xili saacadihii ugu danbeeyay ay xiisad ka jirtay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Shiirkole oo la sheegay in ay fariisin u tahay Saadiq Jon.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda iska fogeysan eedeynta uga timid xildhibaannada iyo in ay weerar ku tahay Saadaq Jon

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]