4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 17, 2021
Dowladda Soomaaliya oo iska fogaysay in ay weerar ku tahay Saadaq Joon

Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey ayaa sheegay dowladdu in aysan wax dan ah ka lahayn in ay tallaabo ka qaado taliyihii hore ee ciiddanka booliiska gobolka Banaadir, Saadaq Joon.

Wasiirka amniga oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay, dowladdu haddii ay qorshayn lahayd in ay qabato Saadaq Joon, ay saacaddihii ugu horraysay tallaabo ka qaadi lahayd.

Wuxuu wasiirka amnigu sheegay, in ay jiraan dad buun buuninaya in ciidanka dowladda ay weerarayaan xaafadda Shiirkole oo lagu sheegay inuu halkaas ku sugan yahay Saadaq Joon iyo ciidamo uu wato.

“Dowladdu waxay ku baaqaysaa in dadka buunbuuninaya in weerar lagusoo yahay Saadaq Joon, ay arrimahaas faraha kala baxaan, oo ay ogaadaan in haba yaraatee aysan dowladdu u qorshaysnayn wax tallaabo ah,” ayuu yiri wasiirka amniga Xundubey.

Wasiir Xundubey wuxuu tilmaamay in dano siyaasadeed laga raadinayo arrinta Saadaq Joon, lana doonayo in colaad laga abaabulo magaalada Muqdisho, balse wuxuu sheegay in ay dowladdu kasoo horjeedo arrimahaas.  

Dhinaca kale, wasiirka amniga ayaa ku eedeeyay dad masuuliyiin ah oo ay xildhibaano ku jiraan in ay ka shaqeynayaan sidii loo kala furfuri lahaa ciidamada qaranka. Wuxuuna sheegay in aan xilligaan loo baahnayn in ciidamada dib loogu celiyo maleyshiyaad.

Hadalka wasiirka amniga ayaa kusoo aaday xilli ay Muqdisho ka taagan tahay xiisado colaadeed oo ka dhashay ka dib markii ay soo baxday in dowladdu weerar ku tahay Saadaq Joon oo farriisin ciidan ka dhigtay aagga Shiirkole.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online