4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 16, 2021
Guddoomiyihii degmada Xamar Jajab oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho
 

Jimco, April, 16, 2021 (HOL) - Gudoomiyihii degmadda Xamar jajab ee gobolka Banaadir, Maxamed Cabdi Xayle ayaa caawa lagu dilay weerar lagu qaaday, xilli uu sii galayay gurigiisa oo ku yaalay Deegaanka Sarkuusta.

Dabley ku hubaysan bistoolado oo watay mooto bajaaj ayaa ka dambeeyay dilka guddoomiyaha degmada Xamar Jajab, sida uu sheegay afhayeenka Booliska, Sadiiq Doodishe oo xaqiijiyay dilka Gudoomiyaha.

Waa guddoomiyihii labaad oo muddo bilo gudaheed ah lagu dilo Muqdisho. Horey waxaa loo dilay guddoomiyihii degmada Hodan, Cabdikariin Dhegajuun, oo u geeriyooday rasaas ay ku fureen ciidamo booliis ah oo ku sugnaa isgoyska Howlwadaag.

Shantii bishii September ee sanadkii hore ayaa xilkaan loo magacaabay Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab ee caawa dilay Dr Maxamed Cabdi Axmed Xeyle.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online