4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 16, 2021
Puntland oo baaq nabadeed kasoo saartay dagaal beeleed maalintii labaad ka socda gobolka Sool
 

Jimco, April, 16, 2021 (HOL) - Dagaalo u dhexeeya beelo walaalo oo kasoo wada jeeda gobolka Sool ayaa maalintii labaad ka socda degaano katirsan degmada Xuddun ee gobolka Sool, oo ay wada sheegtaan Puntland iyo Somaliland.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay in aad uga xun yihiin dagaalka socda, isagoo baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah oo ku dagaalamaya deegaanka Dhabar-Dalool ee Sool.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhabancad ayaa isna sheegay Puntland in ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xal u helidda colaada soo noqnoqotay.

Deegaanada lagu dagaalamayo waxaa maamula Somaliland, waxaana halkaas lagu wadaa in ay u dirto ciidamo kala dhex gala maleyshiyaadka dagaalamaya ee labada beelood kasoo kala jeeda.

Gobolka Sool, waxaa aad ugusoo noqnoqda colaadaha salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana lagu guulaysan la'yahay in xal waara laga gaaro colaadahaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online