4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 16, 2021
Madaxweynaha Mareykanka oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

 

Jimco, April, 16, 2021 (HOL) -Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa Khamiistii Larry Edward André Jr  u magacaabay in uu noqdo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Safiirka cusub ayaa badali doona Donald Yamamoto oo dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Donald Trump u magacaawday safiirka Soomaaliya.

Safiirkan cusub Andre ayaa ka mid ahaa   diblomaasiyiin sar sare  uu madaxweyne Biden magacaabay Khamiistii shalay.

Magacaabistan cusub ayaa imaneysa xili Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo adag dhawaanna Baarlamaanka Soomaaliya uu muddo korarsi labo sano ah u sameeyay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyna Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Danjiraha cusub ayaa soo noqday  Safiirka Mareykanka ee  Jabuuti tan iyo sanadkii 2017, waxaa uu sidoo  kale  Safiir ka soo noqday dalalka Mauritania iyo Koofurta Suudaan, waa 60 jir, tan iyo sanadkii 1990 ayuu ka soo shaqeynayay howlaha diblomaasiyadda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]