4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 16, 2021
Dagaal xoogleh oo dib uga bilaabmay Dhabar-dalool oo u dhexaysa Laascaanood iyo Xuddun
 

Jimco, April, 16, 2021 (HOL) - Saaka waaberigii ayaa markale rasaas ka bilaabantay Ceelka Dhabar-dalool oo dhaca jiida koonfureed ee degmada Xudun una dhow Tuulada Holhol.

Dagaalkan oo ku bilaabmay si goosgoosa ayaa wararka laga helayaa ay sheegayaan in haatan laysu adeegsanayo hubka waaweyn noocyadiisa kala duwan.

Goobta dagaalku ka socdo oo gotaanka doocada Nugaaleed ah ayaan lahayn qulqulka anteenada telefoon gacmeedka awgeed ayay adagtahay in la helo qasaaraha dhabta ah ee meeshass wax ka dheceen, waxaase ila wareedyada ugu dhow xaqiijinayaan in daryanka rasaasta waaweyn meel kasta laga maqlayey.

Dhinaca kale waxaa si isdabajoog ah warbaahinta u soo gaadhaya baaqyo kala duwan kuwaas oo ay madaxda dhaqanka oo uu ka mid yahay Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, cuqaal iyo waxgaradkala duwan.

Sidoo kale maamulka gobolka Sool oo u horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Cabdiqani Jiidhe iyo Gudoomiyaha Degmada Xuddun ayaa ku baaqay in la joojiyo xabbada caqliguna sheqeeyo, bisha Barakaysana la xushmeeyo.

Wixii ka soo kordha dib baan idinkala wadaagi doonaa idanka Alle.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
Laascaanood