4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2021
Isku shaandheyn iyo isbadal lagu sameeyay qaar ka mid ah taliyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir
 

Khamiis, April, 15, 2021 (HOL) - Waxaa isbadal iyo isku shaandheyn lagu sameeyay qaar ka mid ah taliyeyaasha Saldhigyada Booliiska degmooyinka gobolka Banaadir, Taliye qeyb iyo labo ka mid ah taliye ku xigeenadii qeybta guud ee gobolka Banaadir.

Isbadalada iyo isku shaandheynta ayaa timid markii laga shakiyay taliyeyaasha qaar kood inuu xiriir hoose kala dhaxeeyo taliyahii dhawaan xilka qaadista lagu sameeyay ee Booliiska gobolka Banaadir Saadaq Joon.

Tan iyo waxii ka dambeeyay markii xilka qaadista lagu sameeyay taliyahii Booliiska gobolka Banaadir waxaa magaalada Muqdisho aay aheyd mid kacsan oo laga dareemayay xiisad colaadeed.

Dhinaca kale hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa sheegay iney mid mid aay ula socdaan Saraakiisha xilka laga qaaday kaddib markii ay diideen in ay dadkooda weerar ku qaadaan.

"Qiimo weyn ayaad Qaranka iyo dadkiina ugu fadhidaan. Waxaan ugu baaqayaa kuwa weli hoggaamiye kooxeedka ka amar qaadanaya in ay ka waantoobaan oo walaalahood ku daydaan" ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban soo dhigay barta Facebook uu ku leeyahay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]