4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2021
Weerar lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM

 

Khamiis, April, 15, 2021 (HOL) -Wararka ka imanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in qeybo ka mid ah gobolka uu dagaal ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM iyo Al-shabaab.

Dad ku sugan deegaanka Husungoon ee gobolka Jubbada hoose ayaa warbaahinta u sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen saldhig ay degenaayeen ciidamada Kenya waxaana ay labada dhinac iswedaarsadeen noocyad kala duwan ee hubka.

Waxaa jira khasaare aan la ogeyn halka uu la eg yahay soo kala gaaray dhinacyada uu dagaalku dhaxmaray.

Waxaa jirta cabsi soo food saartay dadka deegaanka uu dagaalka ka dhacay kaddib baaritanno ay sameynayaan ciidamada la weerarray oo ay dhici karto in ay wax yeelleeyaan dad rayid ah oo aan dagaalka shaqo ku laheyn.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]