4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 14, 2021
Maraykanka iyo Midowga Yurub oo ka fiirsanaya in ay cunno-qabatayn kusoo rogaan madaxweyne Farmaajo
 

Arbaco, April, 14, 2021 (HOL) - Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay in ay ka fiirsanayaan cunno-qabateyn iyo inay qaadaan talaabooyin kale oo ka dhan ah go’aankii barlamaanka Soomaaliya uu muddada labada sano ah ugu kordhiyay madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa xalay saxiixay sharciga jihaynta doorashada oo tilmaamaya in muddo labo sano ah ay dowladdiisu dalka ku gaarsiiso doorasho dadweyne.

Mareykanka ma taageerayo go'aanka muddo kordhinta iyada oo aan taageero ballaaran laga helin daneeyayaasha Soomaaliya," ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ku yiri hadal uu soo saaray.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay in ay dib u qiimeynayso xiriirka ay la leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo inay tixgeliso dhammaan talaabooyinka ay ku jiraan cunno-qabateynta iyo xaddidaadda fiisaha, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida.

Midowga Yurub iyo Mareykanka waxay sheegeen go'aanka lagu kordhiyay waqtiga xukunka Farmaajo, inay wiiqeyso dadaallada ay taageereyso beesha caalamka ee dib loogu dhisayo Soomaaliya iyadoo loo marayo is afgarad.

Waxay ugu baaqeen in si deg deg ah loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyada oo aan dib loo dhigin doorashada laguna saleynayo heshiiskii Sebtember 17.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online