4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 14, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo dhamaan darajooyinkii ciidan ka xayuubiyay Saadaq Joon
 

Arbaco, April, 14, 2021 (HOL) - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taliyahii hore ee ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Maxamed Saadaq Joon ka xayuubiyay dhamaan darajooyinkii ciidan.

Wareegtada dhamaan darajada ciidan ee uu haystay looga xayuubiyay Saadaq Joon oo kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa si toos ah looga aqriyay talefashinka Qaranka Soomaaliya.

Saadaq Joon ayaa sidoo kale darajo ka xayuubintiisa ciidan lagu sheegay Qaran dumisnimo.

Taliyihii hore ee ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa maalin ka hor waxaa xilka qaadis ku sameeyay taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar, waxaana xilkaasi si deg deg ah loogu magacaabay Farxaan Qaroole.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]