4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 14, 2021
Ciidamada Booliiska Somaliland oo xabsiga u taxaabay saxafi Adan Cabdi Ciidle
 

Arbaco, April, 14, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska ayaa xalay abaaro 2:00 am magaalada Hargaysa ka qabtay saxafi Adan Cabdi Ciidle oo ah wariye muddo dheer kusoo jiray mihnada wartabinta.

Adan oo muddooyinkii u danbeeyay ka hadli jiray bogiisa Facebook, ayaa saraakiil ka tirsan xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay iyagu ka eryeen shaqooyinkii uu ka hayay warbaahinta.

Hadaba Adan ayaa muuqaal kale oo uu bogiisa soo galiyay ku sheegay in guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaadi uu warqad waran xidhitaan ah usoo goostay isla markaan ciidamada boolisku raadinayan.

Adan muu sheegin sababta ka danbaysa in guddoomiyaha baanku warqad maxkamadeed oo xidhitaana usoo goosto.

Ilaa iyo hada ma jirto cid katirsan xukuumada Somaliland oo ka hadashay xadhiga saxafi Adan Cabdi Ciidle.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan online
[email protected]