4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 13, 2021
Midowga Yurub oo si adag uga horyimid go'aankii barlamaanka Soomaaliya uu muddada ugu kordhiyay dowladda
 

Talaado, April, 13, 2021 (HOL) - Midowga Yurub ayaa sheegay go'aankii uu shalay barlamaanka Soomaaliya waqtiga labada sano ah ugu kordhiyay madaxweynaha iyo dowladda inuu wiiqayo dadaalada dheer oo ay taageereen midowga Yurub iyo beesha caalamka, si dib loogu dhiso Soomaaliya.

Beesha caalamka oo ay ku jirto midowga Yurub waxay si cad bayaankaan ugu sheegeen in ay sinnaba u aqbali karin in waqtiga loo kordhiyo dowladda ama hanaan kaste oo la xidhiidha doorashada iyadoo aan la helin heshiiskii doorashooyinka ee 17 september.

Midowga Yurub wuxuu sheegay inuu rumaysan yahay in ansixinta iyo saxiixa qaraarka barlamaanka aqalka hoose uu kala qeybinayo Soomaaliya, keenayana dib u dhacyo dheeri ah uuna khatar weyn ku yahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo deriskeeda.

Midowga Yurub wuxuu ku baaqay in si dedeg ah loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyadoo aan dib loo dhigin oo lagu saleynayo heshiiskii september 17.

Balse, haddii la waayo heshiiska september 17 wuxuu sheegay Midowga Yurub inuu tixgalinayo tallaabooyin dheeri ah oo la taaban karo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online