4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 13, 2021
Laascanood : Dadaal lagu doonayo in lagu soo iibiyo mishiinka Ogsajinta dhaliya ayaa u muuqda midha dhal
 

Talaado, April, 13, 2021 (HOL) - Ku dhowaad boqol ruux ayaa ilaa haatan ku yaboohay inay bixinayaan lacag gaadhaysa 120,000  oo doolar iyo dhaqaale kale oo raacaya, kadib markii caabuqa COVID-19 uu saamayn xoogleh ku yeeshay degaanada Sool iyo kuwa u dhowba.

Hawshan oo ay bilaabeen waxgarad iskood isu xilqaamay ayaa haatan u muuqda mid guushii laha lahaa laga gaadhey maadaama intii badnayd haatan yabooheeda la haayo ayna qaadhaankaa ku dhawaaqeen dadka gudaha.

"Waxaan hada hacanta ku haynaa 35% waxaana sugaynaa balamo badan, waqtiguna waa nagu adag yahay oo xili abaar iyo taws xanuun isu kaaya raaceen ayaan hawsha ku jiraa" sidaa waxaa noo sheegay midka mid ah gudiga is xilqaamay.

Sidoo kale waxa xiligan gobolka ka soconaya olole doorasho oo golayaasha degaanka iyo baarlamanka Somaliland taas oo dhaqaale xoogleh ku baxayo ayaa kulamo la qabtay lagaga dhawaaqay in xildhibaan doonaha ka qayb qaata hawshan la siiyo codka oo taas lagu kala saaro.

Si kastaba ha ahaatee in kasta oo aan loo samayn wacyigelin si dhab ah hadana isku tashiga dadku midho dhal buu u yeeshay iyagoo horena gaadiid loogu iibiyey isbotaalka Laascaanood.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]