4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 13, 2021
Madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo Muqdisho ka dhoofay

 

Talaado, April, 13, 2021 (HOL) -Waxaa goor dhaw ka dhoofay magaalada Muqdisho madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam  oo toddobadyadii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Ka tagista madaxweynayaashan ee magaalada Muqdisho ayaa imaneysa kaddib markii shalay Golaha Baarlamaanka uu muddo kordhin labo sano ah u sameeyay hay'addaha kala duwan ee dowladda Federaalka oo ay madaxtooyadu ka mid tahay

Labada madaxweyne ayaa u kala duulay xarumaha labada dowlad gobolleed ee Garoowe iyo Jubbaland, iyaga oo soo saari doona go'aamo ka dhan ah muddo kordhinta Golaha Shacabka uu maalintii shalay ku dhawaaqay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]