4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 13, 2021
Ciidamada Dowladda oo Howlgal ku dilay 25 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Talaado, April, 13, 2021 (HOL) -  Kaddib howlgal ay fuliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta Danab ayaa lagu sheegay in lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab deegaan lagu magacaabo Gambole oo 48km u jira degmada Jowhar.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda ee howlgalkan fuliyay ayaa sheegay in howlgalkani uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, islamarkaana looga hortagayay falal amaan darro oo ay kooxdu qorsheyneysay.

Howlgalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu dhaawacay xoogag ka tirsan ururka sidoo kalana lagu soo qabtay hub iyo agab kale .

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Kooxda Al-shabaab oo la xiriira sheegashada saraakiisha dowladda ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]