4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 12, 2021
Oomaar: Suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhiimka ah ee la ii magacaabay
 

Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo shalay loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ka cududaartay xilkaa.

“Waxaa sharaf ii ah in shalay oo ay taariikhdu  ahayn April 11 2021 la Ii magacaabay wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada.  Wasaaraddan oo aad muhim u ah waxay u baahan tahay Wasiir dardar geliyo howlaha baaxadda leh ee Ka socoda wasaaradda. “

Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan Ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah. Duruufo qoys iyo kuwo shakhsiyadeed ayaan ii saamaxaynin inaan hawshaa galiyo tamarta, wakhtiga iyo firfircoonida ay u baahan tahay masuuliyaddan baaxadda weyn.” ayuu yiri sida uu ku baahiyay bartiisa Facebook .

Wuxuu inta ku daray “ Go’aankani ma aha mid siyaasadeed ee waa mid shakhsi. waxaan mar walba ahay garabka Madaxweyne Farmaajo (N&N).”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya , Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay isku beddelay wasiirada labada wasaaradood ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyadoo wareegtada xilka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada loo magacaabay , Duraan Axmed Faarax.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online