4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 12, 2021
Guddoomiyaha shirkada WorldRemit oo faah-faahin ka bixiyay maalgalinta uu ku samaynayo Somaliland
 

Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha shirkada WorldRemit Ismaaciil Ibraahim Axmed, ayaa waraysi uu siiyay VOA Somali ku faah-faahiyay qaab ka uu u ekaanayo maal gashiga uu ku samaynayo Somaliland, kana hadlay Sahamiye foundation iyo Daaris.

Ismaaciil, ayaa VOA u sheegay in uu as aasay hay’ad khayri ah oo lagu magacaabo Sahamiye foundation, taasi oo ka shaqayn doonta kobcinta waxbarashada, caafimaadka iyo taageerida dadka fikradaha ganacsi haya.

Ismaaciil ayaa sheegay in uu daahfuray mashruuc kale oo lagu magacaabo Daaris kaasi oo dadka u sahli doona in ay sifudud u bartaan qoraalka iyo akhriska Afsoomaaliga.

“Waxanu daah furnay barnaamij la yidhaahdo Daaris, oo aanu ugu talo galnay in dadku si fudud uga bartaan qoraalka iyo akhriska Afsoomaaliga” ayuu yidhi Ismaacil Axmed.

“Barnaamijka Daaris laftiisa waxa kale oo qorshaha noogu jirta, in loo isticmaalo in dadkii aan fursada u helin waxbarashada ay helaan waxbarasho dugsiyeed oo laso koobay”.

“Taasi oo u suura galinaysa in ay waxbarashadii siiwatan ama xirfado kale oo aanu bari doono ay ka helaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ismaaciil Axmed.

Waxa uu sheegay in ay ku talo jiraan in dadka wax akhriya waxna qora ee Somaliland oo hada lagu qiyaaso 45% ay gaadhsiiyaan 90%.

Ismaaciil Axmed oo la waydiiyay hadii ay jirto cidkale oo ka caawinaysa fulinta mashaariicdan ayaa yidhi “dadka Somaliland ee aanu usoo bandhignay ayaa ka qayb qadan dono hadii ay fikrado kale nagu soo  kordhinayan, lakin Sahamiye foundation ayaa ka masuula fulinta mashariicda”.

Ismaaciil ayaa sheegay in lacagta ku baxaysa mashaariicdan oo dhan 500 oo milyan oo dollar uu ka bixinayo lacagta ugu jirta xawaaladiisa WorldRemit.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]