4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 12, 2021
Xildhibaan Sadiiq Warfa oo boqol ruux gaarsiiyay deeq Raashin ah


Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Xafiiska U-Adeega Bulshada ee Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ee ku yaala degmada Galdogob ayaa maanta u qaybiyay raashin loogu talagalay afurka bisha Ramadaan iyo biyo dhaamin Boqol iyo toban qoys oo kamid ah dadka danyarta ah ee ku dhaqan degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Gurmadkan oo ahaa mid ka yimid Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa oo ay fulinaysay hay’adda Samafalka ee Warfa Foundation waxaa ka hadlay  Guddoomiyaha Xafiiska U-Adeega Bulshada Nabadoon Axmed Deeq Cabdicasiis Karani oo sheegay in Xafiiska U-Adeega Bulshada uu sanad walba ka qaybqaato caawinta danyarta ee Deegaanka. Waxa uuna Ugu baaqday Umadda Soomaaliyeed in Bishan Barakaysan ee Ramadan la caawiyo Masaakiinta.

Ugu dambayn waxaa munaasabada ka hadlay Sheekh Ahmed Xasan Ciise (Sheekh Axmed Shaakir) oo xasuusiyay Camalka ugu Wanaagsan in uu yahay midka la joogteeyo, kulankana ahaa Ramadaankii  5aad ee uu ka qaybgalo ayna hay’adda Samafalka Warfa Foundation gaarsiinaysay Sanadwalba Deeq Raashin iyo Biyo Dhaamin Dadka danyarta ee Deegaanka. Sheekh Axmed Waxa uu ugu baaqay Umadda Islaamka Cabuqa Covid 19 iyo Bisha Ramadan in la xasuusto Danyarta.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online