4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 12, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay sharciga jihaynta doorashooyinka Soomaaliya
 

Isniin April. 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Sharciga golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen jiheynta doorashooyinka.

Sharcigaan ayaa dhigaya in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Soomaaliya  ay muddo labo sano ah ku diyaariyaan qabashada doorasho toos ah oo qof iyo cod ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay sharcigan inuu ku yimid kaddib markii qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada uu ku eedeeyay in ay curyaamiyeen Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee Doorashooyinka dalka oo 26kii Sebteembar 2020 uu ansixiyey Baarlaamnka JFS.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo uu tilmaamay inuu dalka u jiheynayo doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale sheegay in aysan aqbaleyn faragelinta shisheeye oo lagu sameeyo doorashooyinka dalka oo uu tilmaamay in ay yihiin arrimo ay u madaxbannaan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online