4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 12, 2021
Shariif Sheekh Axmed '' Waxaan ka digeynaa muddo kordhin aan sharci aheyn

 

Isniin April. 12, 2021 (HOL) -  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka digayaan muddo kordhin aan sharci aheyn iyadoo wali ay socdaan wada hadalladii doorashada.

Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qorsheynayo in uu waqtiga dheereysto, taasoo keeni karta ayuu yiri cawaaqib aan wanaagsaneyn.

''Waxaan rabaa in aan halkan ka cadeeyo in xiligan dalkan diyaar u aheyn in uu qaado, boob doorasho, wali dowladnimadeenu waa curdan waxey u baahan tahay in la ilaaliyo, waxaa nasiib darro ah iyadoo ay ku beegan tahay maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed 12ka April, in madaxtooyada Soomaaliya ka fikireyso sidii ay waqtiga ku dheereysan laheyd ayuu yiri'' madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Shakiga uu muujinayo madaxweynihii hore iyo ee guud ahaan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa imanaya xili fariimaha loo diray xildhibaannada Baarlamaanka lagu sheegay in kulanka maanta ajandihiisu yahay mooshin la xiriira doorashada Soomaaliya.

Waxaa siweyn isha loogu hayaa ugu danbeyntii go'aamada fashiga Golaha ee maanta iyo xildhibaannadu u codeeyaan muddo kordhin loo sameeyo hay'addaha dastuuriga ah ee dowladda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]