4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 11, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirada
 

Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyay qaar ka tirsan golahiisa wasiirada.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa xilalkii loogu kala wareejiyay wasiirka Gadiida iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo loo wareejiyay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada.

Waxaa sidoo kale wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Duraan Axmed Faarax isna loo wareejiyay Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya.

Isku shaandheyntaan kooban ee uu maanta sameyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo beegmeysa xili uu dhamaaday muddo xileedkii rasmiga ahaa ee Hay'addaha dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]