4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 11, 2021
Puntland oo maanta dowladda federalka Soomaaliya ku wareejisay 14 maxaabiis burcad badeed ah oo ku xirnaa xabsiga Garowe
 

Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta Garowe ka kaxaysay 14 maxaabiis burcad badeed ah oo muddo ka dhow 10 sano ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

Wasiirka caddaalada Soomaaliya oo shalay soo gaaray Garowe ayaa lagu wareejiyay maxaabiista kadib is fahan dhexmaray iyaga iyo Puntland oo maxaabiista gacanta ku haysay tan iyo 2012.

Maxaabiistaan ayaa loo wareejindoonaa xabsiga dhexe ee Xamar,  sida ay HOL u sheegeen xildhibaano ka tirsan Galmudug oo muddo ka shaqeynayay in maxaabiista loo wareejiyo deegaanada ay kasoo jeedaan Galmudug.

Taliyaha ciiddanka asluubta Puntland sareeye guud Cali Nuur Cumar ayaa sheegay in maxaabiistaan ay xabsiyada u dhiman ku dhameysandoonaan xabsiga dhexe ee Xamar, isagoo sheegay mid kamid ah maxaabiista inuu ka haray oo uu codsaday inuu xabsigiisa ku dhameysanayo xabsiga Garowe.

Taliyaha ayaa sheegay sababta maxaabiista burcad badeeda loogu wareejiyay xabsiga dhexe ee Xamar, iyagoo kasoo jeeda Galmudug, in ay tahay, in aan la ogolayn in burcad badeeda lagu hayo xabsiyo aan ahayn kuwa kuyaala Garowe, Bosaso, Muqdisho iyo Hargeysa.

Wuxuu taliyuhu sheegay in ay Puntland xirfado kala duwan bartay maxaabiistaas muddadii ay ku jireen xabsiyada, isagoo sheegay in xirfadahaas ay ka caawindoonaan marka ay xorriyadooda helaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online