4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 11, 2021
QM, Midowga Yurub, IGAD oo qoraal ay soo saareen ku sheegay in ay xormeynayaan madax-bannaanida Soomaaliya

 

Axad, April, 11, 2021 (HOL) -  Qoraal ay wadajir u soo saareen QM  Midowga Yurub, IGAD iyo Midowga Africa  ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in la xaq dhowro madaxbannaanida dhulleed ee Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa imanaya xili dhawaan dowladda Soomaaliya ay u dirtay Qarramada Midoobey qoraal ay kaga dalbaneyso in aan la soo faragalin arrimaha gudaha Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Qoraalkooda ayeey ku sheegeen in ay ixtiraam u hayaan madax bannaanida dhuleed, midnimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana ay uga baaqeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda in ay isku tanaasulaan.

Laakiin qoraalkooda ayaa looga digay dowladda dhexe  kororsi loo sameeyo muddo xileedkii hore ee dowladda, doorasho hal dhinac ah iyo mid barbar socota.

Qoraalka ayaa u dhignaa siddan


 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]