4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2021
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka sanadlaha ee hay'adda lacagta iyo Bangiga Adduunka


Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ka qeyb galay Shirka Sanad laha ah ee Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay dhamaan Wasiirada Maaliyadda ee dalalka Carabta.

Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka ee Afrika Xaafez Ghanem iyo Agaasimaha IMF Kristalina_Georgieva.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha, dhameystirka hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya iyo saamaynta dhaqaale ee safmarka Covid-19.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dadaalada mira dhalay ee Wasaaradda Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha ay Soomaaliya u fureen albaabada caalamka iyo garab istaagga Hey'adda Maaliyadda Adduunka ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online