4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2021
Somaliland: Dabaaldaga maalinta xoriyada ee 18-May oo la hakiyay sanadkan
 

Khamiis, April, 4, 2021 (HOL) - kalfadhigii 73aad ee golaha wasiirada Somaliland, ayaa lagu go’aamiyay in sanadkan la hakiyo dabaadal daga 18-May, caabuqa Covid-19 awgii, waxa lagu dhawaaqay shirwayne dhaqaale loogu raadinayo ladagaalanka Covid-19.

Warbixin lagu daabacay boga Facebook ee xafiiska madaxtooyada oo lagaga faalooday go’aamada ay soo saareen golaha wasiirada ayaa lagu sheegay in la hakiyay dabaaldaga 18 May.

Warbixinta ayaa lagu yidhi “Maaddaama xanuunka covid 19 tirada dadka u dhimanaysa iyo inta u soo dhacaysaaba sii kordhayso, goluhu waxa uu go’aamiyay in lahakiyo isusoo bixii 18-May isla markaa dhaqalihi ku bixijiray lagula dagaalamo caabuqa”.

Warbixinta ayaa sidookale lagu sheegay in goluhu go’aamiyay in maalinta Axadda ah ee saddexda bishan April laysugu yimado shir qaran oo dhaqaale loogu raadinayo sidii loo heli laha tallaal dadka wada gaadha.

Sidokalena warbixinta ayaa lagu sheegay in doorashadu ay ku qabsoomi doonto wakhtigii hore loo qorsheeyay isla markaana aan loo hakin doonin caabuqa Covid-19 awgii.

Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]