4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2021
Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha dalka Swedan oo ka wada hadlay arrimaha doorashada
 

Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa kula kulmay halka uu ka degan yahay magaalada Muqdisho Safiirka wadanka Swedan Danjire Staffan Tillander.

Kulanka dhexmaray madaxweynaha Puntland iyo danjire Staffan ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, caqabadaha hortaagan iyo sida ugu fudud aay u qabsoomi karaan doorashoyinka dalka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maalmahii lasoo dhaafay kulamo kala duwan la qaadanayay qaar ka mid ah Wakiilada Beesha caalamka, kulamadaas oo dhamaantood la xiriiray sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ku hor gudboon doorashada dalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa sidoo kale qeyb ka noqonaya dadaalo xoogan aay magaalada Muqdisho ka wadaan Wakiilada Beesha Caalamka, iyaga oo ku dadaalaya sidii xal waare looga gaari lahaa khilaafka ba'an ee ka dhex jira dhinacyada Soomaalida ee isku haaya doorashada dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]