4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2021
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo la kulmay sarkaalka u sarreeya howlgalka midowga Yurub

 

Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Odawaa Yuusuf Raagge ayaa kulan la qaatay taliyaha howlgalka midowga Yurub ee Soomaaliya iyaga oo ka wada hadlay xoojinta tababarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliye Odawaa ayaa uga mahad celiyay taliska ugu sarreeya howlgalada midowga Yurub taageerrada ballaaran oo ay siiyaan ciidanka xoogga dalka, isaga oo ka dalbaday in la sii labo-laabo tababarada ciidanka oo ah kuwo mar walba baahiweyn loo qabo.

Dhanka saraakiisha midowga Yurub ayaa cadeeyay sida ay mar walba uga qancsan yihiin wadashaqeynta kala dhaxeysa taliska ciidanka xoogga dalka  iyo tababarada ay siiyaan ciidanka Soomaaliyeed.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah urrurrada caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ka taageerrada tababarada ciidamada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]