4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2021
Cabdirashiid Janan oo shaaciyay sababtii ay isku khilaafeen Axmed Madoobe
 

Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo dhawaan heshiis la galay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u eedeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Cabdirashiid Janan ayaa si rasmi ah u shaaciyay sababaha aay isku khilaafeen madaxweyne Axmed Madoobe inay tahay inuu isaga kaliya jecel yahay inuu noqdo qofka ugu sareeyo iyo qofka ugu hooseeyo ee Jubbaland, isla mar ahaantaana uusan ogoleyn qof kale inuu wax ahaado, waa sida uu hadalka u dhigay Cabdirashiid Janan wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland.

"Saaxiibkay Axmed Madoobe waxaan u sheegay in uu kaligiis rabbo afkaartiisa lagu socdo, qofkii ka fikir duwana uusan doonaynin" ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Janan ayaa sidoo kale ku eedeyay Axmed Madoobe inuu ku fashilmay muddo laga joogo laba sano doorashadiisii kadib inuu soo magacaabo Golahiisa wasiirada maamulka Jubbaland.

Eedeynta kulul ee kasoo yeertay Cabdirashiid Janan ayaa imaaneysa xili dhawaan dowladda Soomaaliya aay keentay magaalada Muqdisho kadib heshiisyo aay wada galeen isaga iyo dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]