5/14/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2021
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya


 

Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah waxay ka yeesheen xaaladaha cakiran ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya, waxayna baaq u direen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha Xubnaha ka ah.

Kulanka Qaramada Midoobay ayaa ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxayna madaxda dowlada Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ugu baaqeen iney si deg deg ah dalka uga qabtaan doorasho loo dhan yahay oo ku dhacda xasilooni iyo Caddaalad.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in xiligaan la joogo loo baahan yahay doorasho ka dhacda dalka Soomaaliya oo aay ku qanacsan yihiin dhamaan dhinacyada isku haaya ismari waaga ka taagan doorashooyinka dalka Soomaaliya, waxayna sidoo kale Golaha Ammaanka isla qaateen qoraal aay soo diyaarisay dowladda Ingiriiska kaasi oo ahaa mid walaac looga muujinayay xaalada kala guurka ah ee dalka Soomaaliya.

Kulankan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa imaanaya xili wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ilaa haatan aanan laga gaarin wax natiijo ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
4/1/2021 2:21 PM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Sarkaal katirsan laanta dambaarista Puntland ee CID oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu aasay magaalada Gaalkacyo, kadib markii dabley katirsan Alshabab ay dileen.

4/1/2021 2:10 PM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ka qeyb galay Shirka Sanad laha ah ee Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

4/1/2021 12:36 PM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble aya shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukumadda Faderaalka Soomaaliya oo ku qabsoomay habka fogaan aragga.

4/1/2021 11:48 AM EST
Khamiis, April, 4, 2021 (HOL) - kalfadhigii 73aad ee golaha wasiirada Somaliland, ayaa lagu go’aamiyay in sanadkan la hakiyo dabaadal daga 18-May, caabuqa Covid-19 awgii, waxa lagu dhawaaqay shirwayne dhaqaale loogu raadinayo ladagaalanka Covid-19.

4/1/2021 8:25 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Kenya ayaa ku amartay hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) inay sameyso qorshayaal lagu xirayo laba xero qaxooti oo ay ku nool yihiin in ka badan 400,000 oo qaxooti ah oo u badan Soomaali iyo Koonfurta Suudaan.

4/1/2021 7:42 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Masuuliyiin katirsan Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federalka in ay hor istaagtay in diyaarad siday maalgashadayaal ajaanib ah ay ka degto Garacad.

4/1/2021 7:09 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa kula kulmay halka uu ka degan yahay magaalada Muqdisho Safiirka wadanka Swedan Danjire Staffan Tillander.

4/1/2021 6:19 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Odawaa Yuusuf Raagge ayaa kulan la qaatay taliyaha howlgalka midowga Yurub ee Soomaaliya iyaga oo ka wada hadlay xoojinta tababarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

4/1/2021 4:07 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo dhawaan heshiis la galay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u eedeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

4/1/2021 1:09 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) -Dalka Yemen oo siweyn u harreeyeen dagaal iyo colaado saameyn weyn ku yeeshay dadka rayidka ah ayaa la gaarsiiyay tallaalka Covid 19