4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2020
Qarax ka dhacay maqaaxi ku taalla Muqdisho
 

Arbaco, September 9, 2020 (HOL) - Qof iskusoo xeray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay maqaaxida Blue Sky oo ku taalla meel ku dhow taallada Xaawa-taako ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid ay jugtiisa aad u cusleyd ayaa laga maqlay xaafado badan oo ku dhow halka uu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay 3 qof ayaa ku geeriyootay,  dhowr kalana waa ku dhaawacmeen.

Maqaaxida Blue Sky ayaa ku taalla meel u dhow bar koontarool  oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.  

"Runtii qaraxu wuxuu ahaa mid xooggan,  ma sheegi karo cid wax ku noqotay,  laakiin waxaan arkayay gawaarida gurmadka oo goobta soo gaaray,  durbadiina dhowr qof qaaday"  ayuu HOL u sheegay Shaafici Magan oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo durbadiiba isku gadaamay halka uu qaraxa ka dhacay ayaa dadka ka celinayay iney u gudbaan goobta maqaaxida la beegsaday.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]